Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay Carruur meydkooda laga helay duleedka Beydhabo

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 324 views

Wasiiro ka tirsan koonfur galbeed ,ayaa manta ka qeybgalay aaska laba caruur ah walaalo ah oo saaka aroortii meydkooda laga heley duleelka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Caruurtaasi oo kala ahaa Cabdul-mudcim Aweys C/laahi oo 9 sano jir ah iyo Aamina Aweys C/laahi oo 7 sano jir ah ayaa warku intaa ku daray in meydka jirkooda uu ka muuqday dhaawacyo toorey ah oo loo adeegsadey,isla markaana lala baxay xubno muhiim ah.

Caruurtaasi ayaa lagu waramay in ay gurigooda ka maqnaayeen in ku dhow labaatan saac sida uu xaqiiqijey Aabaha caruurtaaso oo ah Aweys C/laahi.

Aaska caruurtaasi waxaa sidoo ka qeybgalay kumaaan dad weyne ah oo isugu tagey khabuurah ku yaalla duleedka Magaalada Beydho.

Wasiirada Warfaafinta,Caddaaladda,Atimaha Gudaha oo ka qeybgalay aaskaasi ayaa cambaareeyay falkaasi waxashnimada ah,waxayna sheegeen in sharciga la horkeeni doono ciddii ka dambeysay falkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response