Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar Oo Hal Arin Ka Shabahay Nidaamka Wuqooyiga Kuuriya

by admin | Friday, Aug 10, 2018 | 1232 views

Isbadelo dhinacyo kala duwan ah ayey gashay Geeska Africa Waddamada Ku yaalla,hadana waxa laga dhaxlay meelaha qaar dhiig daata iyo si fool xumo ah in xilka looga tego.

Marka aan eegno Ismaamulka Soomaalida itoobiya hoostaga war fiican lagama soo tebineyn maalmahaan dambe Magaalooyinka DDSI.

Aqoonyahan Axmed Sheekh Maxamed (Tiir) oo Ah Falanqeeye Arimaha Gobolka ah oo kusugan Nairobi Kenya ayaa is dul taagay meesha ay sarta ka qurunsan tahay.

Waxa uu sheegay in Badi dadka deegaanka Ismaamulka ay yihiin kuwo ciil kaambi badan haya marka loo eego sida dadkooda loo ciqaabay qaarkoodna Xabsi lagu guray.

Aqoonyahanku waxa uu isbar bar dhigay Nidaamkii Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar inta uu deegaanka maamulayey iyo Maamulka ka jira Dalka North Korea (Wuqooyiga Kuuriya).

Like it? Share it!

Leave A Response