Macalinkii Ku Fashilmay Man United David Moyes Oo Ka Hadlay Xaalada Jose Mourinho Ee Old Trafford

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 953 views

David Moyes ayaa aaminsan in cadaadis uu ka yara qafiifay macalinka Manchester United Jose Mourinho ka dib guushii cajiibka aheyd ee ay ka gaareen Newcastle Sabtidii.

United ayaa ka soo kabsatay labo gool oo looga hormaray islamarkaana ku badisay 3-2 kulankii Old Trafford iyagoo uga mahadcelinayay goolal ay qeybtii labaad u dhaliyeen Juan Mata, Anthony Martial iyo gool uu daqiiqadii 90aad u dhaliyay Alexis Sanchez.

Kooxda ayaa meesha ka saartay wararka sheegayay in Mourinho uu waayi doono shaqadiisa wax walba oo ay natiijada noqoto, waxaana uu Moyes aaminsan yahay in guushaas ay noqon karto midii uu tababaraha reer Portugal xaaladiisa dhanka kale ugu rogi lahaa.

“Arinta ugu weyn ayaa ah in Jose uu helay natiijo fantastik ah Sabtidii” ayuu yiri Moyes isagoo ka hadlayay xaflada Legends of Football.

“Waxba ma ahan qaabka aad u baiso laakiin qaab fiican ayuu u sameeyay isagoo garaacay Newscastle.

“Waxaan qabaa inay taasi xaalada yara dejin doonto. Waqti ayay ku qaadataa dhamaan tababarayaasha Manchester United.

“Jose waxaa la siiyay waqti, waana hubaa in la siin doono waqti badan oo kale – waa guuleyste, waana hubaa inuu taasi cadeyn doono.”

Sii Akhri:  Miyuu Soo Dhamaaday Mustaqbalkii Eric Bailly Ee Man United? Badalkii Daqiiqadii 19-aad Iyo Xogtiisa Oo Xalaad Xun Tilmaamaysa.

Like it? Share it!

Leave A Response