Macallin dugsi Qur’aan oo lagu dilay MUQDISHO

by admin | Wednesday, Mar 20, 2019 | 893 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, waxaana la sheegay in macalinka lagu hordilay dugsigiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Macalinka dugsi qur’aanka ayaa si weyn looga yaqaanay xaafada uu dugsiga ku hayay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeeya dilkiisa.

Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adda CID-da, waxaana ay sheegeen inay iyaga ka dambeeyeen qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaalka ay dhaawaceen lagu magacaabo Xarbi dhageey, kaasi oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xarunta dambi baarista dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response