Macron oo ugu dambayntii ka jawaab celiyay cabashada shacabkiisa

by admin | Tuesday, Dec 11, 2018 | 819 views

Emmanuel Macron Madaxweynaha faransiiska ayaa ballan qaaday in uu mushaarka kordhin doono sidoo kalana canshuurta la dhimmi doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday dalka faransiiska.

Emmanuel Macron  oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay khalalaasihii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal.

“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.

Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saaray balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.

Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response