Madax ka socotay hirshabeele oo ku xayiran magaalada baladweyne

by admin | Sunday, Apr 8, 2018 | 969 views

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa maanta xiran kadib markii ay sameyn ku yeelatay roobab ka da’ay magaalada.

mid  ka mid  ah  howlwadeennada garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne ayaa u sheegay warbaaahinta   in dadka ka soo dega ama ka dhoofa garoonka lagu war galiyay inaysan jirin diyaarad ka soo degeysa garoonka maadaam ay dhax fadhiyaan biyo ka dhashay roobka .

dhaqaalaha   laga qaado garoonka diyaaradaha baladweyne waxaa ay kagacanta  ugu dhacdaa shaqsiyaad  aan wax ugu qaban bulshada,

Waxgaradka, dhalinyarada iyo ganacsatada magaalada Baladweyne oo dhowr mar isku dayay inay wax ka qabtan hakadka markaste ku yimadan garoonka diyaaradaha  ayaa noqday kuwa aan suurto galin.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Baladweyne ayaa horey u ballan qaaday inuu dib u dhis ku sameyn doono garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif, balse ilaa hadda ma muuqato dadaalo wax looga qabanayo hakad ku yimada howlaha garoonka.

magaalada  hada waxaa ku sugan   xubni  ka tirsan hirshabeele oo  ku xaniban magaalada baladweyne

filo  warbixin aan ka diyaarinay musuqmaasuqa lagu sameeyay  lacagata laga qaado garoonka diyaaaradaaha   ee baladweyne

Like it? Share it!

Leave A Response