Madaxa DPWorld oo ka hadlay heshiiska dekadda Berbera

by admin | Saturday, Aug 4, 2018 | 1050 views

Madaxa Hay’adda Dubar Ports World ee Dalka Imaaraadka Carabta Suldaan Axmed Bin Suleymaan ayaa ka hadlay xalaalnimada heshiiska ay sharikaddaasi ku maamusho Dekadda Magaalada Berbera.

Axmed waxaa uu Wareysi siiyay TV-ga CNBC ee Dalka Mareykanka waxaa uu  sheegay in heshiiska Berbera uu iyaga u yahay mid sax ah islamarkaana sharciyad u heystaan.

Waxaa uu caddeyn u soo qaatay in Maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn arrimaha dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

DPWorld ayaa heshiis 30 Sano ah kula wareegtay Maamulka Dekadda Berbera Bishii March ee Sanadkii 2017kii,waxaana heshiiskaas sharci darro ku tilmaamay Golaha Shacabka Soomaaliya.

DPWorld ayaa sidoo kale laga ceyriyay Dekadda Dooraale ee Dalka Jabuuti,waxaana Dacwad ay ka furtay Maxkamad ku taalla London u xukuntay in heshiiskaas shaqeynayo hayeeshee dowladda Jabuuti ayaa diidday go’aanka Maxkamadda.

Like it? Share it!

Leave A Response