Madaxda Aamin Ambulance oo xaqiijiyey in Shaqa joojin lagu sameeyey

by admin | Wednesday, Apr 10, 2019 | 1013 views

Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. Cabduqaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa sheegay in Amar kasoo baxay booliska Soomaaliya looga joojiyey Shaqada gurmadka aheyd oo ay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in gebi ahaanba aysan tegi karin goobaha ay waxka dhacaan,hayeeshee ay booliska weeydiiyeen inay u gurman karaan Hooyada Uurka leh ee foolaneysa iyo qofka xanuunsan,balse booliska Go’aan rasai ah aysan siin taasina ay tahay dhibaato cusub.

Anaga siyaasi manihin oo Ganacsi abuuranana ,balse waxa nahay dad doonaya inaan badbaadino dadka waxyeelada ay kasoo gaarto qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ee dhaca,waxaan howshaas wadnay mudo 12 sano ah ayuu yiri Madaxda Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance.

Warkaan kasoo yeeray  Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. Cabduqaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa waxaa uu meesha ka saarayaa hadalo beenin ah oo kasoo yeeray Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Like it? Share it!

Leave A Response