Madaxda Jaamacadda Carabta oo Sacuudiga ku shiraya

by admin | Wednesday, Mar 21, 2018 | 1087 views

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudi Carabiya 15-ka bisha soo socota ee April.
Madaxda Wadamada Ururkaan ku bahoobay ayaa ka qeyb galaya, iyadoona ay marti soortay Boqortooyada Sacuudiga.
Ajandaha looga hadlayo Shirka waxaa kamid ah:- Saameynta wadamada islaamka ee la xiriira Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Qudus, Dacwadda Jabuuti ay ka gudbisay Shirkadda Caalamiga ah ee Dekeda Dubai DP-World, Ashtakada Dowladda federaalka ay ka gudbisay isla shirkadaan iyo Iiraan.
Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa khudbadahooda ku cabari doono arrinta la xiriirta Magaalada Barakeysan ee Qudus, Maadaama Mareykanka uu u aqoonsaday Caasimadda Israel.
Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa iyanna Madasha kusoo bandhigi doono dacwadda ay ka gudbiyeen Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay ee laga eryay Dekeda Dooraale ee Jabuuti iyo sida lagu xalin karo Khilaafka labada dowladood.

Dhanka Soomaaliya waxaa laga dhageysan doonaa Qaraarkii Baarlamaanka ay dalka ugu mamnuuuceen in aanan kaga howlgalin Shirkadda DP-World iyo Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera.
Madaxda ayaa kormar ku sameyn doonaa Dagaalada waxa loogu yeero argagixisada ay ka wadaan wadamada Carabta sida Syria, Liibiya, Soomaaliya, Yemen iyo Iiraan oo ay ku xaglinayaan in ay taageerto.
Ahmed bin Abdul Aziz Qattan u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ee Qaaradda Afrika ayaa sheegtay in Shirkaan ay ku casuumeen Madaxda Wadamada Carabta, ayna rajeynayaan in ay kasoo qeyb galaan.
Sacuudiga ayaa dhawaan sheegay in uu gogol u dhigi doono Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carab, si go’aanka dowladda federaalka ay ugu mamnuucday dalka aanan u noqon mid isku badala khilaaf u dhaxeeya labada Dowladood.

Like it? Share it!

Leave A Response