Madaxda M/goboleedyada oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan

by admin | Monday, Apr 22, 2019 | 793 views

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ay magaaladaasi ku yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka,

Kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Taageerada beesha caalamka, arimaha siyaasadda iyo Khilaafka dowladda ayaa ahaa qodobada ugu waaweynaa ee looga hadlayay shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada ay caalamka dalbadeen Raod Map ku aadan hanaanka doorashada dalka ka dhaceyso dalka sanadka 2020.

Sidoo kale waxay dalbadeen in caalama xiriir toos ah la sameeyaan maamul goboleedyada, maadaama dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay mashaariic badan oo dowlad goboleedyada heli lahaayeen.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaanan weli wax jawaab ah aan ka bixin ama aan ka hadlin kulamada Magalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Maamul goboleed iyo Wakiilada beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya,

Khilaaf sii xoogeysanaya ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana muuqata in markale madaxda maamul goboleedyada ay sameysan karaan isbaheysi ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021 ayaa u muuqda kuwo hadda dowladda Soomaaliya ay isku koobtay hanaanka loo marayo, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay dhaliilsan yihiin inaan laga talo galin hanaanka doorashada dalka.
Like it? Share it!

Leave A Response