Madaxda Maamul Gobaleedyada sii xumeynaya Xiriirka liita ee Farmaajo & Axmed Madoobe

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 953 views

Warar hoose   ayaa sheegaya Madaxda Maamul Gobaleedyada ay la safanayaan Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo xiriirkii uu kala dhaxeeyay Dowlada Federaalka uu aad usii xumaanayo.

Isqab qabsiyo dhowr ah oo soo kala dhex galay Madaxda dalka iyo Masuuliyiinta Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madooobe ayaa sabab u noqday in wax wada shaqeyn aysan waayadii dambe ka dhaxeyn labada dhinac.

Dowlada dhexe ayaa iskaaga aamustay tabashooyinka aan xadka laheyn ee ka imaanaya Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo dhinaca Masuuliyiinta Jubbaland ay weerar dhanka Warbaahinta joogto ugu qaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Hadaba Shir deg deg ah oo Madaxda Maamul Gobaleedyada ay isugu tagayaan magaalada Kismaayo ayaa lasii ogaaday inaysan ujeedoodu aheyn inay waan waan kala dhex dhigaan Dowlada iyo Jubbaland balse ay doonayaan inay la saftaan Axmed Madoobe

Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mararka qaar isla xisaabtan iyo amaro dhowr ah u gudbisay Maamulka Jubbaland inkastoo aysan waxba kasoo bixin tiiyoo ay jirto in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka cabsi qabo Farmaajo inuu maamulkiisa ka afgambiyo maadaama uu dowlada kaga shakisan yahay inay qeyb ka wado olole looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe oo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ay ka wadaan Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response