Madaxtooyadda Kenya oo si rasmi ah u xaqiijisay in Kiiska badda laga wada hadlay{Akhriso}

by admin | Thursday, Nov 14, 2019 | 670 views

Madaxtooyadda Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada ogol ah.

Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegtay in Farmaajo uu kalsooni ku qabo go’aan labada dhinac wada aqbali karaan lagu xaliyo muranka dacwada Badda ee taal Maxkamada Caalamiga ah aduunka (ICJ).

Madaxtooyadda Kenya  ayaa soo qaadin Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ ,taas badalkeena waxay carabta ku adkeysay in arinta lagu heshiiyay in lagu xaliyo qaab wada ogol ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in  Madaxweynaha Soomaaliya uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

 

Like it? Share it!

Leave A Response