Madaxweynaha DDS oo faah faahiyay sababta ay Ciidamada ugu direen Gobolka Tigreega

by admin | Monday, Jul 19, 2021 | 264 views

Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa sheegay in sababta ay Ciidamada dowlad degaanka ugu direen Gobolka ay dagaalada ka socdaan ee Tigreega uu yahay dalab uga yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo la hadlay BBC-da waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada ay u direen gobolka Tigreega ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhan ah Kooxda TPLF, isla markaana ay xoojin doonan Ciidamada Federaalka.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ay ka tirsan yihiin Itoobiya, isla markaana mushaarkooda iyo Agabkooda Ciidan ay bixiso dowladda Itoobiya.

Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa xoogga TPLF oo dib u soo rigaal celiyay, waxaana dowlad degaanka Soomalida u noqday Maamulkii Afaraad ee Ciidamo u dira Gobolka Tigreega.

Like it? Share it!

Leave A Response