Madaxweynaha Galmudug oo baaq u diray Hay’adaha Caalamiga

by admin | Sunday, Aug 7, 2022 | 362 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in abaarta kajirta dalka ay saameysay dadka iyo duunyada kunool degaannada Galmudug, Isla markaana siweyn loo dareemay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadal ka jeedinayay shir looga hadlayay Abaaraha oo ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in degaannada Galmudug ay ku sugan yihiin dad guryahooda uga soo barakacay Abaarta, balse dadka Reer Galmudug ay yihiin kuwa ugu badan oo saameysay Abaarta.

Waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Ganacsatada Soomaaliyeed iyo cidkasta oo wax heysata inay u soo gurmadaan dadka ay abaarta saameysay ee kunool degaannada Maamulka Galmudug.

Shalay waxaa degaano katirsan Galmudug booqday Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo booqday xerooyin ay kunool yihiin dadka ay saameysay Abaarta.

Like it? Share it!

Leave A Response