Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Monday, Apr 5, 2021 | 344 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaladda Muqdisho ayaa Galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xegeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baaramaamka Galmudug, Dr maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo Xildhibaano ka katirsan Galmudug, maamulka caasimada, iyo Saraakiil Ka katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa muddo 44 Cisho ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar dhowr ah oo looga hadlayay xalinta muranka doorashada.

Gelinka hore ee Maalinta berio ah ayaa waxaa la filayaa in uu Madaxweynaha Galmudug dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo wada-hadallada u socda Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response