Madaxweynaha Galmudug oo ku taliyay in GIDG ay sameystaan ciidamo u gaar ah

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 736 views

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ku taliyay in ciidamo ka madax banaan dowladda oo gaar ah ay sameystaan golaha iskaashiga, kadib markii uu khudbad ka jeediyay shirka shalay ka furmay magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in arrintan la dardar geliyo, islamarkaana ay bilaabaan marka hore in Galmudug iyo Puntland ay sameystaan ciidamo u gaar ah oo ka shaqeeya ammaanka, islamarkaana la dagaalama Shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay ujeedka ciidamadan loo sameynayo inay tahay sidii ay uga maarmi lahaayeen ciidamada xoogga dalka oo uu tilmaamay in ilaa hadda uusan arkin meel ay si rasmi ah uga hawlgalaan.

“Waxan ku talinayaa in Golaha iskaashiga uu sameysto ciidamo u gaar ah, oo annaga iyo Puntland waan isku dhawnanay aan bilawno, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed-na ay sameystaan, si aan uga maarano ciidamada SNA oo aan la garaneyn meel ay ka hawlgalaan”. ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Sida muuqata war-murtiyeedka laga soo saarayo shirka magaalada Garowe ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka soo baxaan qodobo kul kulul oo madaxda dowlad goboleedyada ay ku dhaliilayaan dowladda dhexe, maadaama shalay ay jeediyeen dhammaan madaxda maamulada khudbado ay ku dhaliilayeen dowladda dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response