Madaxweynaha Galmudug oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay sugida Amniga

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 324 views

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay sugitaanka  Amniga degaanada maamulka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo kordheen falal amni daro.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyay xaalad ammaan ee degaanada Galmudug iyo fashilka soo wajahay maamulka Galmudug ee dhanka Ammaanka.

War uu soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa lagu xusay in Madaxweynaha uu ku mashquulay ka shaqeynta xafiiska taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaan sidaan u qornaa:

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.

Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.

Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

Like it? Share it!

Leave A Response