Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Safiirka Turkiga oo kulan yeeshay

by admin | Friday, May 3, 2019 | 712 views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Danjiraha Dowladda Turkiga Ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, iyagoo ka wada hadlay halka ay mareyso dhisida wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, iyo arrimo kale duwan oo la xiriira dib u dhiska Iyo Horumarinta Hirshabelle.

Kulanka oo ka dhacay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Shirkadda ku Guuleysatay Dhisida Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo jowhar,waxaana  kulanka lagu gorfeeyay dar dargalinta dhisida Wadada Muqdisho, waxaana safiirka iyo shirkadda dhiseysa ay hoosta ka xariiqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan ayna u diyaar garoobeen fulinta howsha laga sugaya.

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Safiirka Dowladda Turkiga Ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa ka wada hadlay mashruuca biyo xireenka saabuun, oo Dowladda Turkiga ay horey u balan qaaday in ay dhiseyso iyo horamarinta iskaashatooyinka beeraha ee HirShabelle si loo dhiira galiyo wax soo saarka Beeraleyda Hirshabelle.

Wadada Muqdisho iyo Jowhar ayaa qorshuhu yahay in dhowaan la bilaabo doono shismaheeda, iyadoo ay mashruucaasi ay maalgalineyso Dowladda Qadar waxaana Fulinaya Shirkad Turki ah oo ku Guuleysatay tartan loo qabtay shirkadaha dhismaha, waxaana dhismaha Wadadani ay wax badan ka tari doontaa Isu socodka muqdisho iyo Jowhar taasi oo Bulshada iyo Gaadiidkuba dhib xoog leh ay ku qabaan maadaama bur bur xoog leh uu ka muuqdo.

Like it? Share it!

Leave A Response