Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay dadkii lagu diley duleedka Balcad

by admin | Friday, May 29, 2020 | 491 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii lagu dilay 8 Dhalinyarada dhaqaatiirta ahaa ee lagu dilay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay dilkaas,hayeeshee uusan si rasmi ah uusan uga hadlin tallaabada ay qaadayaan maadaama falkaasi uu ka dhacay deegaannada Hir-Shabeelle.

“Waxaa isoo gaaray khabar naxdin leh: in la laayey 8 dhallinyaro ah oo ka shaqeeynaayey caafimaadka degaanka Gololeey ee Degmada Balcad. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariis iyo in kuwa gardarada ku dilay asagaa caadil ehe maalinta qiyaamo uga gooyo xaqooda ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Dad isugu jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen dil

Like it? Share it!

Leave A Response