Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaraya liiska Musharixiinta Aqalka Sare

by admin | Sunday, Jul 25, 2021 | 259 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugalanhadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.
Maamulka Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo Maamulkii ugu horeeyay ee dowlad Goboleedyada kajira dalka ee qabta doorashada Aqalka Sare sanadkan 2021.

Like it? Share it!

Leave A Response