Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la kulmay Mukhtaar Roobow

by admin | Thursday, Feb 7, 2019 | 814 views

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Baydhabo.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Kulanka ayaa ka dhacay guri uu xabsi ku yahay oo ay maamusho NISA , kasoo ku yaalla Agagaarka xarunta   Habar Khadiijo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la siideyn doono Rooboow, islamarkaana si hoose loo xalin doono Shaqaaqadii  ka dhalatay soo xirtaankiisii.

Lafta Gareen ayaa la sheegay in Mukhtaar Roobow ka raalli geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii la soo xiray, isagoo u sheegay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horay u ballanqaaday in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono Rooboow, uuna dib ugu laaban doono Magaalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response