Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku baaqay feejignaan Amni

by admin | Tuesday, Apr 13, 2021 | 302 views

Iyada oo la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftaagreen) waxaa uu ka hadlay xaaladaha amniga iyo cudurka safmareenka ah ee COVID-19.
Madaxweynaha ayaa marka hore Shacbaka degaannada Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyay Curashada Bisha Barakeeysan ee Ramadaan, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay dadka kale aan wax heysan ay caawiyan.

Isaga oo sii hadlayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in dalka uu wajahayo xaaladi culus sida amni darro iyo cudurka COVID-19, waxana Bulshada ku nool degaannada Koonfur Galbeed uu ugu baaqay inay feejignaan muujiyaa, kana digtoonadaana weerarada ay geystaan Al-Shabaab.
Degaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab iyo howlgallo ay siwadajir ah u fuliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response