Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la caleema saarayo

by admin | Wednesday, Jan 16, 2019 | 1074 views

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo qaban qaabada munaasabaddan aad looga dareemayo magaaladaasi.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la caleemo saaro madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.

Dhammaan waddooyinka gala xarunta loogu talogalay in lagu qabto munaasabaddan waxaa xirey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi Ballaaran oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Eldonmip November 5, 2019 at 2:35 pm - Reply

    Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa xalay ku hoyday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, si uu uga mid noqdo ka qeyb galeyaasha caleema saarka dhigiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Leave A Response