Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay dowladda dhexe gacan dhaaf……..

by admin | Sunday, Jul 21, 2019 | 724 views

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay gacan dhaaftay maamulka Puntland, islamarkaana ay bilowday dhaqaalle loogu tala galay bulshadda in ay siiso shaqsiyaad gaar ah.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si toos ah lacago ugu dirtay Guddiyo gaar ah oo ku kala sugan Boosaaso iyo Gaalkacyo, islamarkaana aysan soo marsiin maamulka Puntland.

Madaxweyne Dani ayaa tilmaamay in ay tahay nasiib daro in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lacagihii loogu tala galay horumarinta in ay ku bixinayso qoys, taasna ay hoos u dhigi doonto hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response