Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ganacsato cabasho qabtay

by admin | Sunday, Aug 9, 2020 | 388 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa uu  kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Mudug.

Ganacsatada Gobolka Mudug oo warbixin la xiriirta cabasho ku saabsan Canshuur lagu kordhiyay la wadaagay Madaxweynaha waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka dhinac walb leh ee horumarka ah oo ay dowladdu ka wado Gobolka Mudug, iyagoo sheegay inay marwalbo diyaar u yihin doorkooda isgarabtaaga Dowladdnimada.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta ay ganacsatada Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Puntland ay kaga jiraan Dowladdnimada, wuxuuna kula dardaarmay inay sii horumariyaan doorkooda muhimka u ah bulshada, sida dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka.

Kulanka waxaa Madaweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah labada Gole ee Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response