Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay Maxaabiis

by admin | Monday, Jul 19, 2021 | 537 views

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne  waxaa uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xiran xabsiyada kala duwan eek u yaal degaannada Somaliland.

Wareegtada cafiska ee uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u qorneyd

Markaan Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Tixgaliyey: Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada d ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud , iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Like it? Share it!

Leave A Response