Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay mukhaadaraadka oo Somaliland kuso badanaya

by admin | Tuesday, Jul 20, 2021 | 258 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo salaada Ciidal Odaxada shacabka kula tukaday Masjid Jaamaca Hargaysa, ayaa ka dayriyay mukhaadaraadka oo uu sheegay in uu Somaliland kuso badanayo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maandooriyayaasha kala duwani Somaliland aad ugu soo badanayaan isla markaana loobahanyahay in dagaal wada jira lagu qaado sidii loo joojin lahaa.

“Waxa inagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, hadii umad caqliga laga xumeeyana diintii, dalkii, duunyadi iyo aakhiradiba way xumaanayaan, waxa inagu soo batay wax la yidhaahdo mukhadaraad, oo khamri leh oo xashiishad leh, oo kiniin leh” ayuu yidhi.

“Inta Somaliland jecel iyo inta aakhiradooda jecelba waxan ku waaninayaa in la dagaalanka mukhaadaraadka la wada galo, wuu ka weyn yahay wax in gaarihi gasho” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa ka digay in hadii dagaal loo dhanyahay aan lala galin mukhaadaraadka kala duwan ee Somaliland sida qarsoodiga ah loosoo galiyo ay dhalinyarada iyo bulshaduba halaagsami doonto.

“Walaalayaal waa aafo laynagu soo daayay, hadaynaan kuyar iyo kuweyn, culimo iyo caamo rayigaa intaan qaadano ka wada dagaalamin umadi iyo dayartii waxa lagu soo wada mahlako” ayuu yidhi.

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa mudooyinkii u danbeeyay marar kala duwan qabtay maandooriye khamri u badan oo Somaliland laga soo galiyay xaga Itoobiya, waxanu boolisku sheegay in maandooriyuhu Somaliland kuso badanayo.

Like it? Share it!

Leave A Response