Madaxweynaha Somaliland oo khudbadii u dambeeysay u jeedinaya Baarlamaanka

by admin | Monday, May 9, 2022 | 559 views

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah Kulan aan caadi aheyn waxaa ay ku yeelnayaan xaruntooda Magaalada Hargeysa, waxaana hortagaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa khudbadii ugu dambeeysay u jeedin doona Golaha Baarlamaanka Somaliland maadaama dhawaan ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu kaga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Somaliland, sida Amniga iyo Abaaraha iyo sidoo kale qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadli doona waxa ay hiigsaneyso Somaliland oo ay ugu horreeyso inay helaan aqoonsi  iyo Arrimo kalr.

Xubnaha Xisbiyada mucaaradka ayaa Madaxweynaha Somaliland ku cadaadinaya in aysan markale dib u dhicin doorashada Madaxtooyada, iyada oo ay horay u dhaceen doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo degaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response