Madaxweynaha Somaliland oo Shacab farabadan la dukaday Salaada Ciida

by admin | Thursday, May 13, 2021 | 554 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan oo dhan u wada jeedda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response