Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Norway.

by admin | Monday, Jun 10, 2024 | 18 views

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Jonas Gahr Støre.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Ra’iisul Wasaaraha Norway kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo Ra’iisul Wasaaraha Norway kala hadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha amniga, iyo horumarinta. War-murtiyeedka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladan ay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway ee dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Dowladda Norway ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka mid yahay madaxda ka qeyb galeysa shirka Nabadda ee 11-ka June ilaa 12-ka June ka dhacaya magaalada Oslo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doona qaar ka mid ah Madaxweynayaasha lagu casuumay shirkan, waxaana la filayaa in uu kala hadlo iskaashiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Like it? Share it!

Leave A Response