Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya oo ku wajahan Asmara

by admin | Tuesday, Jul 31, 2018 | 1099 views

Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay dhawaan booqasho ku tagaan caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa in uu ku horreynayo booqashada Asmara,waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya oo isna tagay.

Safarrada madaxda ku jira Urur Goboleedka IGAD ee Asmara ayaa u muuqda kuwa isku xig xiga,waxaa markii ugu horreysay booqday Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed,waxaa ku xigay Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka soo laabtay kaddib booqasho saddex Cesho qaadatay.

Eritrea ayaa u muuqata in ay hadda ku dadaaleyso sidii ay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka deriska ah u soo celin lahayd,waxaana xusid mudan in dhawaan si kedis ah uu ku dhamaaday dagaalkii 20ka Sano u dhaxeeyay Eritrea iyo Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response