Madaxweyne Deni oo maanta xilka la wareegaya

by admin | Monday, Jan 14, 2019 | 1264 views

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta lagu waddaa in ay xilka si rasmi ah ula wareegaan.

Qabanqaabadda la wareegitaanka xilka ayaa Saaka ka socota Magaalada Garowe, waxaana  maanta Madaxtooyadda baneynaaya Madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisii.

Waxaana lagu wadaa in isla maanta uu madaxweyne Deni uu usoo guuro xarunta dhismaha Madaxtooyada maamulkaasi looga arrimiyo, halkaasi oo uu deganaan doono ilaamaa ay ka dhamaaneyso shanta sanno ee muddo xileedkiisa ah ee loo doortay.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiiisa ayaa lagu doortay Doorashadda 8 bishaan ka dhacday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response