Madaxweyne Farmaajo dalka maka badbaadin doonaa faragelin shisheeye?

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 361 views

Waxa toddobaadyadii la soo dhaafay magaalamadaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugnaa wufuud ay hoggaaminayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kuwaas oo u yimi inay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hor-kacayo kala xaajoodaan doorashada 2020/21 ee la qorshaynayo inay dalka ka dhacdo.

Raad-raaca wadahadallada Doorashada 2020/21

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tanaasul muujinaya ayaa bishii Luuliyo ee sannadkan u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay horey ugu shirayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka si uu ula lafo-guro hannaanka iyo nooco doorasho ee la doonayo inay Soomaaliya ka qabsoonto. Madaxweynaha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa wadahadal badan kaddib isla meeldhigay in doorashadu xilligeedii ku dhacdo, qaabka ay noqonaysana loo saaro guddi ka soo tala-bixiya.

Isla bishii Ogoosto ee sannadkan ayaa Madaxweynuhu mar labaad u duulay Dhuusamareeb halkaas oo loogu ballansanaa in lagu soo gebagebeeyo wadahadalladii Dhuusamareeb ka dhacay ee ku aaddanaa arrimaha doorashada dalka. Waxase la yaab noqotay in labada Madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland ay ka baxeen ballantii Shirka Dhuusamareeb3 iyaga oo diiday inay goobta yimaaddaan oo ay Madaxweynaha hor fadhiistaan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dood iyo falanqayn dheer ka bacdi gaaray heshiis taariikhi ah oo ku aaddan doorashada dalka, qaabka ay u dhacayso iyo wakhtigeedabada, kaasi oo loo cuskaday tala-bixintii Guddigii loo saaray doorashada.

Wadahadallada ka socda Muqdisho

Culays iyo cadaadis beesha caalamku saartay labadii Madaxweyne ee ballanta ka baxay ayaa waxa uu suurtageliyay inay u soo duulaan Muqdisho si loo dhammaystiro wadahadalladii Dhuusamareeb1 iyo Dhuusamareeb2. Wakhtigan la joogo, dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo Dowladda Federaalka oo dhinac kale ah ayaa magaalada Muqdisho uga socdaan wadahadallo qotodheer oo la doonayo in lagu jaangooyo, heshiisna lagaga gaaro arrimaha doorashada dalka.

Dadka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhegta la raacaya wada-xaajoodka socda iyaga oo rajaynaya in madaxda dalku ay tanaasul la yimaaddaan oo ay masiirka dalka ka horrumariyaan danahooda shakhsiga ah si dalku uga baaqsado hakad iyo qalqal ku yimaadda geeddi-socodkiisa dimuqraaddiyadeed iyo horumar.

Tanaasulka Madaxweyne Farjaamo iyo iska caabbinta saamaynta shisheeye

Madaxweyne Farmaajo waxa lagu ammaanay tanaasulkii uu sameeyay ee ku tixgeliyay rabbitaanka Dowlad Goboleedyada isaga oo meel iska dhigay hannaankii doorasho ee hal qof iyo hal cod ee uu rabay in dalka laga suurtageliyo taasi oo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkuba ku bogaadiyeen.

Isla sidaas oo kale, waxa dad badan Madaxweynaha ku bogaadiyeen sida uu uga fogaaday saamaynta Beesha Caalamka isaga oo xaqiijiyay in wadahadallada ku aaddan masiirka iyo timaaddada dalku ay noqdaan kuwo Soomaalidu hor-kacayso oo ka maran faragelin iyo dano shisheeye, taas oo ah arrin aan horey uga dhici jirin Soomaaliya iyada oo dhaqan siyaasadeedka dalku ku salaysnaa dhexdhexaadinta iyo dammaanad bixinta shisheeyaha Xalane fadhigoodu yahay.

Maxaa laga filan karaaa wadahadallada Muqdisho?

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu waxa ay isla shirkii Dhuusamareeb2 ka caddeeyeen inay doorbidayaan in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo oo laga tanaasulo himilada doorashada “hal qof iyo hal cod” taasi oo uu Madaxweynuhu dabada ka riixayay.

Shirka hadda Muqdisho ka socda, waxa laga filayaa in Madaxweynuhu u tanaasulo Dowlad Goboleedyada dalka isaga oo qallinka ku duugaya hannaanka doorashada dadban ee ay hor Dowlad Goboleedyadu hor boodayaan, taasi oo muujin doonta sida Madaxweynaha ay uga go’an tahay inuu dalka ka badbaadiyo qalalaase siyaasadeed oo ku yimaadda.

Fashilka wadahadallada Muqdisho waa horseedka faragelin shisheeye?

Dhan kale marka laga istaago, haddii Madaxweyne Farmaajo ku adkaysto qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah oo uu u tanaasuli waayo doonista Dowlad Goboleedyada, waxa imanaysa in beesha caalamku ay soo farageliyaan wadahadallada oo ay hormuud ka noqdaan go’aan ka gaarista hannaanka doorashada waddanka, taasi oo horseedaysa dhaawac ku yimaadda hanka shacabka Soomaaliyeed oo Madaxweynaha ku ammaanay sida uu horeyba isaga caabbiyay saamaynta iyo faragelinta shisheeyaha. Isla arrintan ayaa waxa ay dalka ka bixin doontaa sawir xun oo muujinaya in Soomaaliya aanay siyaasad ahaan weli qaan-gaarin oo ay ilaa hadda ku tiirsan tahay kor-joogtaynta iyo dhexdhexaadinta shisheeyaha.

Like it? Share it!

Leave A Response