Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

by admin | Monday, Sep 16, 2019 | 701 views

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii dambe ee Isniinta maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, madaxa xukuumadda Galmudug, wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, odayaal dhaqameen iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Socdaalka uu madaxweynaha ku tagey Dhuusamareeb, waxaa ku weheliyay madaxweynaha Galmudug , Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ujeeddada ugu weyn ee madaxweynaha uu u tagey Dhuusamareeb, waxaa lagu sheegay sidii uu usoo xiri lahaa shir-weynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee muddo ka badan toddobaad ka socda Dhuusamareeb.

Sidoo kale , madaxweynaha waxaa uu kullamo la qaadanaya mas’uuliyiinta deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka, sida ay xaqiijiin ilo ku dhow.

Waa booqashadii labaad ee uu madaxweynaha ku tago Dhuusamareeb, balse markan waxaa uu ku aadday xilli uu socdo shir dib u heshiisiin, isla markaana lagu wado in la gudo galo dhismaha maanul loo dhanyahay ee Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response