Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Kulanka guud ee Xisbiga AK

by admin | Saturday, Aug 18, 2018 | 892 views

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo waxaa Khudbad ka jeedin doona kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Waliba Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dalka Turkiga tagay bishii ee July, xilligaasi oo uu ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Erdogan oo dhamaadkii bishii June dib loo doortay.

Like it? Share it!

Leave A Response