Madaxweyne Farmaajo oo lagala xisaabtamayo diyaaraddii lagu riday Bardaale

by admin | Saturday, May 9, 2020 | 451 views

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradii lagu riday Bardaale ay kala xisaabtami doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa xusay in diyaaradaas ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, midaasna ay tahay arrin wax la iska weydiin doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey ku eedeeyeen inuu dalka si sharci darro ah kusoo geliyey ciidamo ka tirsan Itoobiya oo aysan ka war qabin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah Xildhibaanadaas kana tirsan aqalka sare ayaa sheegay in kulamada ugu horreeyo ee labada aqal ay arrintaas uga hadli doonaan isla markaasna Dowladda laga rabo inay jawaab cad ka bixiso.

“Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey” ayuu yiri Senator Ilyaas.

Wuxuu intaas kusii daray in soo gelintaanka ciidamada Itoobiya ee aan ka qeyb ka aheyn AMISOM ay si cad uga soo horjeedo sharafta iyo madax banaanida dhulka Soomaaliyeed.

Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanada ayaa kusoo aadayo xilli AMISOM ay xaqiijisay in diyaaradaas ay toogteen ciidamo itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response