Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud Adag ku xiray inuu wada hadal la galo Imaaraadka

by admin | Wednesday, May 23, 2018 | 880 views

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa  sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka caga jiidayo wada hadal uu la galo Madaxda Dalka Imaaraadka.

Madaxweyne ayaa dhowr jeer codsiyo ku saabsan sidii la isku soo hor fariisin lahaa madaxda labada dowladood ka helay Boqortooyada Sacuudiga laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu aqbalo.

Madaxweynaha ayaa shuruud adag ku xiray inuu wada hadal la galo  Dowlada Imaaraadka, waxayna tahay in fara galinta ay ku heyso Soomaaliya ay joojiso, heshiisyada iyo Mashaariicda aan dowlada ogeyn oo ay la galeyso Madaxda Dowlad Gobaleedyada inay ka laabato markaas ka dib ayuu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo diyaar u noqon doonaa inuu wada hadal fool ka fool ah la hor fariisto Imaaraadka.

Dowlada Sacuudiga ayaa u muuqata inay ku guul dareysaneyso isku soo dhawaanshaha Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana la ogeyn sida ay ku aqbali doonaan Imaaraadka shuruudaha adag uu ku xiray Madaxweyne Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response