Madaxweyne gudaya lacag uu ololaha doorashada ku galay

by admin | Monday, Nov 19, 2018 | 765 views

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xiriirinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada.

Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan.

Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda.

Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC.

Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa.

Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC).

Like it? Share it!

Leave A Response