Madaxweyne KMG oo loo doortay DDSI

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 920 views

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Mustafe Cagjar ayaa lasoo shaqeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda OCHA.

Isbedelka ka dhacay Dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu u horseedo deegaanada dowlad deegaanka Jawi deganaansho iyo Siyaasad wada qaybsi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response