Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dib ugu soo laabtay Jowhar{sawiro}

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 529 views

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa dib ugu soo laabtay maanta xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu safar ugaga maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii uu soo degey waxaa loo galbiyay guriga uu ka degen yahay magaalada Jowhar iyadoo lagu wado inuu saxaafada kula hadlo dadka wararka fidiya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response