Madaxweyne Maanta lagu dooranaayo Baydhabo

by admin | Wednesday, Dec 19, 2018 | 809 views

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ay si toos ah uga bilaabato doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Shan Musharax ayaa u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lagu waddaa mid ka mid ah in ay maanta doortaan Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Ammaanka Magaalada la wareegay Ciidamo Itoobiyaan oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Garoonka Magaalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response