Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweyne Siciid Deni oo bixiyey amar culus oo toogasho ah

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 414 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey xaaladda Puntland ayaa si adag uga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi.

Siciid ayaa amray ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan oo qatar ku ah ammaanka guud ee Puntland, iyada oo aan la horgeyn wax maxkamad ah.

Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay leedahay cadow leh wejiyo kala duwan, islamarkaana ay la dagaalami doonaan.

“Cadawga hadda jira waxa uu yeeshay waji kala duwan, waxaana rajeynayaa in lagu dhiirado wax ka qabashadooda, Cid waliba oo fal dambiyeed gasha oo hubeysan ama goob weerarto waa in lagu fuliyaa go’aankaas” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga wada shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ciidamada ammaanka ay Garoowe ku rasaaseeyeen dad dhigayey dibax-bax cabasho ah, taas oo dhalisay khasaare u badan dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response