Madaxweyne Trump oo Xaqiijiyay in Ciidamo cusub loosoo Daad gureynayo Somalia

by admin | Wednesday, Jun 13, 2018 | 998 views

Madaxweyne Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka.

Website-ka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee  whitehouse.gov oo lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran ayuu ku sheegay inay Maraykanka sii wadaan sidii ay Saaxiibadooda ku sugan Calaamka kala shaqeyn lahaayeen La-dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Alqaacida.

Waxa uu intaasi ku daray in si gaar ah diiradda loo saarayo Deegaanadda ay Talisyadda Dhexe iyo Afrika mas’uul ka yihiin.

Mar uu Warbixintiisa kaga hadlayey Bariga Afrika waxa ku shaaciyey inay Ciiddamadda Maraykanka weli wadaan dagaalka looga hortagayo Khatarta Daacish iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka uu Donald Trump u gudbiyey Kongareeska waxa kale oo uu ku muujiyey inay Ciiddamadda Maraykanka taageero, La-talin iyo Dagaal-gelin siiyaan Ciiddamadda Gobalka, oo ay ku jiraan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda Dagaal ee La-dagaalanka iyo kuwa kale ee laga wado Mandiqadda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale,  Donald Trump waxa uu sheegay inay sii wadayaan Wada-shaqeynta ay Dowladda Jabuuti la leeyihiin, oo iyadu u fasaxday Ciiddamadda Maraykanka inay isticmaali karaan Xuduudaha Jabuuti.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu Ciiddamo dagaalama u diray  Talisyadda dhowr goobood oo ku yaalla Bartamaha Maraykanka, Europe, Afrika iyo  Passific.

Like it? Share it!

Leave A Response