Madaxweyne Waare & Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulan yeeshay

by admin | Tuesday, Jul 9, 2019 | 692 views

Weli waxaan xal laga gaarin xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Madxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ,waxana xalinta xiisadaas Maanta Baladweyne u tegay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Cusmaan Barre Maxamed ayaa isla Maanta Baladweyne waxaa uu ka bilaabay kulamo uu uga gol leeyahay xalinta xiisada u dhaxeysa Madaweyne Waare iyo Yuusuf  Axmed Hagar (Dabageed).

Waxaa sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulamada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Waare & Yuusuf  Axmed Hagar (Dabageed) uu siiwadi doono,isla markaana uu rajo wanaagsan ka qabo in xal laga gaaro.

Xildhibano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay Baladweyne u tegay kuwaas oo ku guuleysan waayay xalinta xsiisadaas,waxaana xusid mudan in mudo bil iyo dhowr cisho ah aysan wax Shaqo ah ka socon Xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response