Madaxweyne Waare oo ka digay khalalaaso ka dhaca Baladweyne

by admin | Thursday, Jun 13, 2019 | 718 views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo shalay Gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magalada Baladweyne ayaa si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Magalada Baladweyne iyo dilkii Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Gobolka Hiiraan, isaga oo digniin soo saaray.

Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in dadka Reer Hiiraan ay muujin karaan cabashadooda,hayeeshee aysan suurtagal aheyn in Magalada Baladweyne la geliyo khalalaaso ama la burburiyo wadooyinka si xiisada loo sii xoojiyo.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in Magalada fowdo laga sameeyo,isla markaana dad ay jiraan lacag ku bixinaya in khalalaaso laga wado Magalada Baladweyne, isaga oo sheegay inay jiraan dad ay ku tuhmayaan inay ku lug leeyihiin waxa ka jira Baladweyne.

Ugu dambeyn waxa uu Madaxweyne Waare uu wacad ku maray cid kastaa oo ka dambeysay Dilka Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe  Marxuum Maxamed Macow  la marsiin doono Cadaaladda,isla markaana ay ka warsugayaan Guddga baaritaanada oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response