Madaxweyne Waare Oo Qorsheynaya Isku-Shaandheyn Golihiisa Wasiirada

by admin | Wednesday, Aug 29, 2018 | 835 views

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa  maalmaha soo socdo uu qorsheynayo Isku-Shaandeyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan.

Hayeeshee si uu culeyska Siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu isaga yareeyo uu doonayo in xildhibaanada qaarkood ku soo daro Golihiisa Wasiirada,isla markaana uu diyaariyey Warqadii uu isugu Shaandheyn lahaa Wasiiradiisa.

Wararka kale   ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaarkood iyo Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle ay ka soo horjeedaan inuu sameeyo Isku-Shaandheyn,isla markaana ay saareen culeys Siyaasadeed.

Weli macada sida uu ka yeeli doono Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare maadaama maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada qaarkood ay ku kacsanaayeen halka qaarkood ay ugu baaqeen inuu iska casilo xilka Madaxweynenimo.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa hareeyey khilaafyo Siyaasadeed oo sababay inay Xildhibaanada Maamulkaas xilkii ka qaadeen madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble halka Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle ay ku kacsan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response