Madaxweyne Waare Oo Shacbiga Hishabelle Ugu Hambalyeeyay Munaaaabadda Ciida Carafo.

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 780 views

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle islamarkaana ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.
‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta Dowladnimada’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.
Like it? Share it!

Leave A Response