Madaxweyne Waare Oo Walaac Ka Muujiyay Cuduro Ka Dhasha Fatahaada Hirshabelle Saameysay

by admin | Friday, May 18, 2018 | 1237 views

Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Soo gaba gabeeyay Safarkiisa Beydhabo kaddib Markii uu halkaasi kaga Soo Qeyb galay Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho ay Ku Soo Dhoweeyeen Mas’uuliyiin kale duwan.
Madaxweynaha Oo Qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cadde Shir Jiraa’id Ku Qabtay Ayaa Ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Shirkii Maalin ka hor Magaalada Beydhabo ugu Soo Gaba gaboobay Madaxda Maamul Goboleedyada, Dhibaatada Iyo Saameynta Fatahaada Webiga uu ku yeeshay Bulshada Hirshabelle, iyo dadaalada Socda ee lagu garab istaagayo Dadkaasi.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Shirka Beydhabo Ku soo gaba gaboobay, isagoo Sheegay in Shirkaasi uu ahaa is xogwareysi iyo toosin islamarkaana sidoo kale looga hadlay sidii Iskaashi uu u dhexmari lahaa Maamulada si looga gun gaaro Xaqiijinta Ammaanka iyo Furista Wadooyinka.
Sidoo Kale Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa Carabka ku dhuftay mudadii Beydhabo uu ku sugnaa in Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya ay kulama kale duwan wadaqaateen misna ay ka wada hadleen sidii labada Maamul ee dariska ah ay isaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagaxisada isku furida Wadooyinka, ka hortaga Fatahaada Webiga , iyo Arrimo kale duwan oo horumar u ah laba Maamul.
Dr Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Oo Sii Hadlay ayaa ka hadlay Saameynta iyo dhibaatada uu ku hayo Shacabka Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo guryahooda kaga barakacay, inkastoo uu sheegay Mudane Waare in biyaha Ay soo yaraanayaan laakiin waxa uu walaac ka muujiyay Cuduro ka dhasha Biyaha Wasaqeysan, waxaana uu mar kale ku baaqay in gar gaar bini’aadanimo loo baahanyahay in lagu garab istaago dadkaasi u baahan caawimaad dhab ah in loo fidiyo.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyn sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii loo sii dar dar galin lahaa gaarsiinta gar gaarka ay u baahanyihiin Bulshada Ay saameysay Fatahaada Webiga, waxaana sidoo kale uu sheegay in kulamo Muqdisho uu kula qaadanayo guddiga Dowladda ay u magacowday Gurmada Fatahaada, iyo Hey’adaha Samafalka si loo dar dar galiyo samata bixinta Bulshada Reer Hirshabelle.

Like it? Share it!

Leave A Response