Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Riyadh

by admin | Friday, Dec 9, 2022 | 410 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha kaas oo looga hadli doono iskaashiga iyo horumarka.

Wafdiga Shiinaha ayaa la filayaa in ay tobanaan heshiis iyo is-afgarad la saxiixdaan dalalka Khaliijka iyo dalalka kale ee Carabta, kuwaas oo khuseeya tamarta, amniga iyo maalgashiga.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay xoojinayeen xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka xilli uu sii kordhayay shakiga gobolka ee ku aaddan sida ay uga go’an tahay saaxiibka muhiimka ah ee dhanka ammaanka ee Mareykanka uu u hayo gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response