Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan dalka Jabuuti

by admin | Tuesday, Dec 6, 2022 | 254 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ku wajahan dalka Jabuuti, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalka Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka oo uu ka dhacayo Shirka Afrika iyo Mareykanka ee looga hadlayo arrimaha Ganacsiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalalka Jabuuti iyo Mareykanka waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirarka, isaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response